Find Posts By Topic

Raadinta Booskaaga Ganacsiga

Finding Your Business Occupancy

Tilmaan ku aadan Wajiga 2 aad ee Qorshaha Biloowga Dib u furida Ganacsiga ee Amaanka ah ee Gudoomiyaha Gobalka

Bakery business owners with a pie.King County waxay heshay ogolaansho kasoo baxay Xoghayaha Waaxda Caafimaadka ee Gobalka Washington si ay ugu gudubto Wajiga 2 aad ee Qorshaha Biloowga Amaanka ah ee Gudoomiyaha gobalka, kaasoo u sahlaaya ganacsiyada qaar iyo shaqooyinku inay kordhiyaan shaqooyinkooda ayagoo sidoo kale yaraynaaya tirada dadka goobta imaanaaya, taasoo loogu yeero “Booska” sida ku cad qorshaha dib u furida. Erayga farsamada ayaa ah “booska qofka.” Ka fiiri qorshaha Wajiga 2 aad ee la ogolaaday halkaan tilmaanta dib u furida gobalkana waxaad ka helaysaa halkaan.

Qaababka samaynta booska qofku istaagaayo ee xaruntaada marka la raaco qorshaha dib u furida:

  1. Booska lasoo dhajiyay. Haddii aad soo dajisay boorka meelaha dadku kala istaagayaan gudaha ganacsigaaga, u adeegso aasaasiyan markaad cabirayso yaraynta tirada dadka xarunta soo galaaya markiiba. Calaamadaha badka u dhaxaynaaya dadka ayaa lagusoo dhajinayaa meelaha la iskugu imaado ee ay galayaan dad dhan 50 ama ka badan, ayna ku jiraan maqaayado badan iyo baararka khamriga. Si aad u hesho tirada dadka la yareeyay ee la ogol yahay sida ku cad qorshaha dib u furida ganacsiga, ku dhufo tirada dadka xaruntaada soo galey ee horay kuugu dagsanayd heerka tirada dadka ee la yareeyay (oo ku jirta godadka D) oo fiiri Tilmaamaha Shaqada Ganacsiga ee Gudoomiyaha gobalka si aad u hesho xog faahfaahsan.
  2. Agabka Ogolaanshaha Dhawaan la baxshay. Haddii aad dhawaan heshay ogolaanshaha wax ka badalka kiraystaha ee xaruntaada, cadadka saxda ah ee dadka soo gali kara xaruntaada ayaa laga heli karaa qorshayaasha ogolaanshaha la ansixiyay. Haddii aad wali haysato koobiga qorshayaasha ogolaanshaha kama danbaysta ah ee dhismaha, arintaan ayay u badan tahay inay noqoto qaabka ugu fudud una boobsiiska badan oo aad ku helayso nambar rasmi ah. Waxaa sidoo kale suurtagal ah inaad awoodo inaad hesho qorshayaasha la ansixiyay adoo galaaya barta Mashruuca ee Department of Construction & Inspections (SDCI, Waaxda Dhismaha iyo Kormeerka) ama adoo la xariiraaya xirfadlaha naqshada ee ogolaanshaha.
  3. Qiyaasta lagu saleeyay badka iskuweerka. SDCI waxay samaysay cabirada hoose si ay kaaga caawiso qiyaasida tirada dadka caadiyan soo gali karay xaruntaada iyo tirada dadka ee loo ogolyahay inay soo galaan gudaha ama meelaha banaanka sida ku cad qorshaha dib u furida ganacsiga. Inaad adeegsato godadka B iyo C si aad u qiyaasto badka horay u jiray ee xaruntaada ayaa keenaysa tiro ka yar tirada dadka laguu ogol yahay inay xarunta soo galaan laakiin waa dookh kuu furan haddii aadan aqoon tirada dadka hadda laguu ogolyahay inay gudaha soo galaan.
  Qiyaasida booskaaga horay u dagsanaa ee dadku fariisan karaan Raadinta tirada dadka soo gali kara xaruntaada kadib marka dib loo furo

 

Godka A Godka B Godka C Godka D
Nooca ganacsiga

(iyo xariirka kala dhaxeeya

Tilmaamaha Shaqada Ganacsiga ee Gobalka Washington)

Meelaha La cabiraayo

marka la Xisaabinaayo Qiyaasta

Cabirka caadiga ah ee

Badka Dadka soo galaaya Xarunta

(Iskuweer fiid ka uu qofkiiba fariisanaayo)

Wajiga 2

Heerka Dadka Xarunta Soo galaaya ee la Yareeyay

Maqaayadaha/Baararka khamrada (Wax lagu dhex Cabo)

– Aaga cuntada ee banaanka

Baraha Cuntada ee Macaamiisha 15 50%*
– Aaga cuntada ee gudaha Baraha Cuntada ee Macaamiisha 15 50%*
– Fadhiga baarka Baraha Cuntada ee Macaamiisha 15 lama ogola
Tafaariiqda (dukaannada) Gudaha aaga Iibka 60 30%
Xarumaha jir dhiska (gudaha) Goobaha jimicsiga 50 30%*
Ururada Diinta iyo Cibaadada (gudaha) Goobaha cibaadada 15 25%
Adeegyada Shaqsiga ah Dhammaan xarumaha gudaha 100 50%
Daryeelka Xayawaanka rabaayada ah Dhammaan xarumaha gudaha 100 50%
Adeegyada Xirfada Dhammaan xarumaha gudaha 100 50%
Guryaha la dagan yahay Dhammaan xarumaha gudaha 100 50%

 

*Xanibaadaha kale ayaa sidoo kale xadidi kara tirada dadka xarunta soo gali kara. Ka fiiri Qorshaha King County ee Wajiga 2 ee la ansixiyay iyo tilmaamaha Gudoomiyaha gobalka ee shaqada ganacsiga Wajiga 2 si aad u hesho xog dheeraad ah.

Qiyaasida booskaaga dadku fariisan karaan:

    1. Ka fiiri badka xajmiga gudaha xarunta ee ku jira Godka B. Waxaad ka heli kartaa wareegga iskuweerka goobtaada heshiiskaaga kirada, qorshayaal kasta oo qaybta ah oo aad haysato, ama Shahaadada kale ee Meeshada aad ku dagan tahay. Haddii aadan go’aamin karin iskuweerka inta fiit (s.f.) ee xaruntaada oo ku qoran wax dukumiinti ah ood haysato, waxaad cabiri kartaa (cabirka fiidka) dheerarka iyo balaca meelaha kale ee xaruntaada bad le’eg. Isku dhufo badka aad cabirtay ee dheerarka iyo balaca si aad u hesho iskuweer fiidka xarunta.
    2. U qaybi xajmiga xaruntaada cabiraha caadiga ah ee dadka xarunta soo gali kara (Godka C). Waxaad tirada iskugu rari kartaa godka ugu dhaw ee tirada guud ah.

Tusaalaha maqaayada: 1,000 s.f. aaga cuntada / 15 s.f. halkii qof ba = ku dhawaad 67 qof

Tusaalaha goobta tafaariiqda: 1,000 s.f. qaybta iibabka / 60 s.f. halkii qof ba = Ilaa iyo 17 qof

Raadinta cabirka dadka xaruntaada soo gali kara markiiba ee la ogol yahay sida ku cad qorshaha dib u furida ganacsiga:

    1. Ku dhufo tirada dadka caadiyan xaruntaada fariista heerka tirada la yareeyay ee Wajiga 2 ku jirta (Godka D).

Tusaalaha maqaayada: 67 dad ah x 0.50 = Ilaa iyo 34 dad ah ayaa la ogol yahay

Tusaalaha goobta tafaariiqda: 17 dad ah x 0.30 = Ilaa iyo 5 dad ah ayaa la ogol yahay

    1. Ka fiiri Qorshaha King County ee Wajiga 2 aad ee la ansixiyay iyo tilmaamaha Gudoomiyaha gobalka ee shaqada ganacsiga Wajiga 2 aad si aad u hesho tilmaan dheeraad ah iyo xadiyada saaran tirada dadka loo ogolyahay inay soo galaan xaruntaada ganacsiga.

 

  1. Cilmi Baarista Ogolaanshaha Taariikhiga ah. SDCI ayaa kaa caawin karta inaad raadiso dukumiintiyada hore ee ogolaanshaha, hase yeeshee, diiwaannada ogolaanshaha ayaa qaadanaaya waqti in la raadsho, halka diiwaanada taariikhda, ee duqoobay aan ba la heli karin. SDCI waxay ku talinaysaa in la adeegsado qaababka 1-3 ee kore.

 

Xog dheeraad ah

Su’aalaha ku saabsan ku shaqaynta wajiga 2 gudaha Seattle? Wac Office of Economic Development (Xafiiska Waaxda Ganacsiga) oo aad ka helayso 206-684-8090. Caawimaada luuqada ee gudaha xarunta ayaa la heli karaa. Su’aalo ma ka qabtaa xajmiga dadka caadiyan soo gali kara xaruntaada? Oonleen ahaan ugudir barta: http://web6.seattle.gov/dpd/LUQnA/?Type=2