Sida Loo Raadiyo Booskaaga Ganacsiga
Si looga jawaabo tirada badan ee kiisaska COVID-19 ee hadda, Gudoomiyaha ayaa abuuray qorshe dib u furid kaasoo oggolaanaaya tirada adeegyada gudaha xarumaha oo kooban. Waxay ugu danbayn u ogolaanaysaa ganacsiyo dheeraadka ah iyo shaqooyinka gudaha xarumaha inay kordhiyaan shaqooyinka ayadoo la yaraynaayo tirada dadka goobta soo galaaya, oo loo yaqaano “xajmiga” sida ku qoran qorshaha dib u furida. Erayga farsamada ayaa ah “booska qofka.” Si aad u hesho tirada dadka la yareeyay ee goobta geli kara ee ku cad qorshaha dib u furida, waa inaad ogaataa tirada dadka caadiga ah ee xaruntaadu qaado iyo tirada ugu badan ee lagu ogol yahay tusmada dib u furida ee Gudoomiyaha.